4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 10, 2018
Cabsi soo food saartay Darawalada Mooto Bajaajka iyo haween cirbado u adeegsanaya

 

Talaado, April, 10, 2018 (HOL)–Cabsi weyn ayaa soo food saartay darawalada kaxeeya gadiidka Bajaajka ee ka shaqeysta gudaha magaalada Muqdisho kaddib markii ay soo ifbaxeen maalmihii ugu danbeeyay  haween sita cirbado ay ku jiraan dhacaan aan la gareynin wax uu yahay iyadoo maanta inta  laga warqabo darawalkii Afaraad haweeney ku dhufatay cirbad oo loo maleynayo in ay ku sidey Virus.

Mid ka mid ah darawalada ku shaqeysta gaadiidka Bajaajka oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in tirada ilaa iyo hadda uu ogyahay ee cirbadaha loo adeegsaday noqonayaa ilaa Afar darawal.

Haweenkan ugu yaraan labo labo ruux u wada socda ayaa la sheegay in marka hore ay isaga soo dhigaan darawalka dad kireysanaya, kaddibna marka ay muddo wada soctaan bilaaba in ay si lama filaan ah oo  deg deg ugu dhuftaan cirbada madaama uusan jirin xeen-daab u dhaxeeya iyaga darawalka.

Markii ay siweyn u soo shaac-baxday arintan ayeey bilaabeen gadiidleydan Moota-Bajaajka in ay sameystaan Miraayad u dhaxeysa darawalka iyo dadka uu sido iyaga oo ka gaashaamanaya weerarka cirbadaha ee socda.

Hay’addaha Amaanka dowladda ayaa horay gacanta ugu dhigay haween ku eedeysan in ay falka ku kaceen, kuwaa oo marka la wareystay qaarkood sheegay in ay yihiin koox dumar ah oo magaalada ku kala firirsan islamarkaana faafinaya Virus-ka cudurka HIV AIDS-ka.

Hadalka heynta ugu badan ee Muqdisho ayaa ah warka arintan ku saabsan oo xitaa marka laga soo tago darawalada gadiidka dadweynaha waxaa baqdintan muujinaya waalidiinta Soomaaliyeed oo carruurta uga cabsinaya in cirbadaha lagu dhufto.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia