Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) – Afhayeenka Ururka ONLF
Cabdulqaadir Xassan Hirmooge Caddaani oo la hadlay VOA ayaa si kulul u weeraray
go’aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Ururka ONLF ee ahaa in Ururkaasi
yahay mid Argagixiso.
Caddaani ayaa sheegay in warka ka soo baxay dowladda
Soomaaliya u arkayaan in uu yahay mid ay dowladda Itoobiya ay soo dhiibtay,
waxaana uu intaa ku darray in go’aanka noocaas oo kale ah aheyn mid u qalma
dowladda Soomaaliyeed.
‘’Annaga waxaan u aragnaa bayaankaa in uu qoray Ninka lagu
magacaabo Gabre iyo safiirka Xamar jooga, ee ma’aha bayaan u qalma dowlad
Soomaaliyeed in ay soo saarto’’ ayuu yiri Caddaani.
Waxaa uu iska fogeeyay in Ururka ONLF yahay Urur Argagixiso oo la mid ah Al-shabaab sida
ay dowladda Soomaaliya sheegtay, isaga oo sheegay in arintaasi tahay mid la
doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed.
‘’Ururkan waxa uu yahay waxaa ka marqaati ah shacabka
Soomaaliyeed iyo guud ahaanba shucuubta ku dhaqan Geeska Africa, waa la
yaqaanaa Ururka ONLF waa Urur xaq u dirir ah, dhulka Ogaadeeniya ayaan ka
dagaallannaa, marka waxaan leeyahay waa nasiib daro umadda Soomaaliyeed ku
dhacday bayaanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya’’ ayuu hadalkiisa sii
raaciyay afhayeenka Ururka ONLF.
Arbacadii shalay ayeey aheyd markii bayaan ka soo baxay xukuumada Soomaaliya lagu sheegay in Ururka ONLF yahay Argagixiso, iyaga oo dhinaca kalana difaacay ku
wareejintii dowladda Itoobiya Cabdkariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.
Afhayeenka Ururka ONLF oo VOA weydiisay halka uu ku dhashay
Qalbi Dhagax waxaa uu yiri’’ Cabdikariin
Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax waxaa uu ku dhashay gobolka Mudug, deegaan hoostaga
degmada Gaalkacyo, halkaasoo uu ku soo barbaraay oo wali reerkiisu degan
yihiin, gobollo badan oo Somaaliya ah
ayuu ka shaqeeyay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayuu ahaa,
dagaaladdii 1981kii ayuu ku dhaawacmay’’
Dadka Soomaaliyeed oo siweyn uga war dhowrayay jawaabta ay
dowladda Soomaaliya ka bixiso ku wareejinta Itoobiya Qalbi-Dhagax ayaa markii danbe su'aalo badan ka keenay bayaanka ka soo baxay xukuumada oo markii ugu horeysay Ururka
ONLF ku sheegay mid Argagixiso.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]