2/20/2025
Today from Hiiraan Online: Major Al Shabab attack repelled, 130 terrorists killed: Soma...
Wararka Maanta- Talaado, Sept 26, 2017
Ciidamada Kenya oo isaga baxay deegaanka Tarako ee gobolka Gedo

 

Talaado, September, 26,2017 (HOL) - Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen ka bixitaanka ciidamada Kenya ee degaanka Tarako oo ka tirsan gobolka Gedo.

Col Guhaad Maxamed Cumar oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Baardheere ayaa sheegay in aysan garan karin ilaa hadda sababta ka dambeysa ciidamada Kenya in ay ka baxaan degaanka Tarako.

Wuxuu sheegay ciidamada Kenya ee ka baxay degaanka Tarako in ay u jiheysteen dhinaca degaanka Faxfax-dhuun ee gobolka Gedo.

Ururka Al-shabaab ayaa war qoraal ah oo ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan waxaa ay ku sheegeen in ay la wareegeen deegaanka Tarako oo ka tirsan gobolka Gedo, kaddib markii shalay gelinkii dambe ay ka baxeen ciidamada Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa waxaa ay deegaanka Tarako ee gobolka Gedo la wareegeen bartamihii sanaddii 2015-kii xilligaas oo Milliteriga Kenya ay duulaan ku ahaayeen degmada Baardheere.

Ciidamada Kenya ayaa 20-kii bishan xilli aroornimo ah waxaa ay isaga baxeen fariisimihii ay ku lahaayeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib laba sano oo halkaasi ay ku sugnaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com