Cali Gacal Casir ‘’ Aniga iyo madaxweyne ku-xigeenka xabsi guri ayaan ku nahay madaxtooyada Galmudug
Talaado, September, 26,2017 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo
wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in ay Isaga iyo madaxweyne ku-xigeenka
Galmudug lagu amray in aysan ka bixi karin madaxtooyada maamulka ee degmada
Cadaado.
Guddoomiye Casir sheegay in ciidamo ku sugan madaxtooyada Galmudug u
sheegeen in aysan ka bixi karin Isaga iyo madaxweyne ku-xigeenka madaxtooyada Galmudug,
haddii ay ka baxaanna aysan damaanad qaadi karin amnigooda.
‘’Markii hore warka arrinta ku saabsan suuqa ayaan ka maqmaqlayay oo kaliya,
laakiin waxaan xaqiiqsaday in aan xabsi ku jirnno markii aan damcay in aan
magaalada danno ii gaar ah ka soo qabsado oo la ii sheegay in aan bixi karin’’
ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.
Guddoomiye Casir ayaa sheegay in amnigooda qatar ku jiro madaama ayuu yiri
madaxtooyada Galmudug la soo dhoobay ciidamo gaar ah oo ka amar qaata madaxweynaha
maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
‘’Waxaan rabnaa in aan ogeysiino bulshada Soomaaliyeed in madaxweynaha uu
qaadi doonno mas’uuliyada wixii dhibaato ah ee na soo gaara Aniga iyo madaxweyne
ku-xigeenka’’ ayuu yiri guddoomiye Casir.
Sababta uu sidan u sameynayo madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayuu ku
sheegay baqdin uu ka qabo xildhibaannada baarlamaanka oo ka gadoodsan
tallaabada uu qaaday.
Khilaafka mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa u muuqda mid cirka isku
shareeray kaddib markii madaxweynaha Galmudug uu taageero u muujiyay xulufada
Sacuudiga iyo Imaaraadka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]