4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 20, 2017
Dufcaddii 14aad oo maanta ka qalinjabisay Jaamacadda Hargeysa


Arbaco, September,20, 2017 (HOL)- Dufcaddii 14aad ee ka qalinjabisa jaamacadda Hargeysa ayaa maanta xarunta Jaamacadda ku sagootisay ardaydii ugu badnayd ee ka qalinjabisay kuuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa.

Munaasibad balaadhan oo ay ka soo qaybgaleen maamulka jaamacadda, ardaydii qalinjabinaysay, waalidiintooddii iyo marti sharaf kale, waxa kale oo ka soo qaybgallay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Sanadba sanadka ka dambaysa waxa kor usii kacaya arday badan ee ka qalinjabinaysa jaamacadda, waxaana sanadkan ka qalinjabiyey 1,126 Arday oo ka baxay kuuliyaddo kala duwan.

Gudoomiyaha Jaamacadda, guddida jaamacadda iyo qaar ka mid ah marti sharaftii ayaa ardayda qalinjabisay ugu duceeyey inuu ilaahay ku anfaco aqoontaasi ay barteen.

“dalka dhawaan waxaa ka dhici doonta doorashadii Madaxtooyada, ardayda jaamacaduhuna waxay ka mid yihiin halbawla-yaasha gacan siiya Guddida Doorashooyinka, sidaa darteed, waxaan idinkula dardaarmayaa in aad xilka u gudataan si sharciga waafaqsan oo xilkasnimo iyo xaqsoor ku jiro”.ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ardayda la hadlayey.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ka sheekeeyey mudadii todobadda sanno ahayd ee uu xilka hayey inuu horumar ku sameeyey dhinaca waxbarashadda.

“Markii Xukuumadaydan talada la wareegtay, dalka waxaa ka jiray 51 Dugsi Sare, iyo 531 Dugsi Hoose/Dhexe, oo la dhisay muddo 49 sannadood gudahood 1960 - 2010. EEBE Mahadii, muddadii 7 sanno ahayd, waxaannu dhisnay 61 Dugsi Sare, iyadoo tirada dugsiyada sare yihiin maanta 112 dugsi, waxa kordhay %54.”ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu intaas ku daray “waxaannuu dhisnay muddadaa 397 dugsi Hoose-Dhexe, iyadoo tirada dugsiyada Hoose-Dhexe maanta yihiin 928 dugsi. Waxaannuu ka dhignay waxbarashadii Hoose-Dhexe bilaash, si loo wada awoodo, taasi waxay keentay in ay korodho tiradii ardaydu, dugsiyadana la kordhiyo.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.