4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 20, 2017
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo xilka la wareegay Sawirro


Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) – Guudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xilka kala wareegay Cumar Aadan Ibraahim Baadiiyoow oo xilka looga qaaday wareegto ka soo baxday madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, Saraakiisha ciidamada dowlada, AMISOM, odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cumar Aadan ibraahim Baadiyow ayaa ugu baqay bulshada in ay la shaqeeyaan maamulka cuusb isaga ku dhaliilay.

Guddoomiyaha gobolka Cali Jeyte ayaa ugu danbeyntii balan qaaday in uu wax badan ka qaban doono Arimaha Amniga Dib u Dhiska iyo Dib u heshisiinta, isaga oo intaa ku darray in bulshada looga baahan yahay in ay la xisaabtamaan maamulka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]