4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 20, 2017
Madaxweynaha Jubaland oo kormeeray beero ku yaal degmada Doolow ee gobolka Gedo [SAWIRRO]


Arbaco, September, 20, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa kormeeray qaar kamid ah beeraha ku yaal degmada Doolow iyo sidoo kale mashaariic lagu horumarinayo wax soo saarka beeraha oo qurbajoog reer Jubaland ah ka hirgeliyeen degmadaasi.

Madaxweynaha oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo masuuliyiinta maamulka degmada Doolow ayaa kusoo wareegeen qaar kamid ah beeraha ku yaal degmadaasi, isagoo masuuliyiinta la socotay ka xog wareeystay xaaladda beeraleeyda iyo caqabadaha heysta.

Madaxweyne Axmed Max’ed Islaam ayaa sidoo kale booqday mashruuca waraabka beeraha gobolka Gedo oo maraya heer gabgabo ah, kaa oo ay hirgelintiisa iska kaashadeen qurbajoog reer Jubaland ah iyo dadka deegaanka.

Masuuliyiinta gacanta ku haya mashruuca ayaa sheegay in mashruucan hab casri ah oo loogu talo galay in lagu waraabiyo beeraha, ayagoo sheegay in marka uu mashruucan hirgalo ay beeraleeydu u suurogali doonto in ay dalagyadooda beertaan xilli walba, halka ay hadda keliya wax beertaan marka la gaaro xilli roobeedka.

Tubooyin iyo Matoorro ayaa biyaha kasoo qaadaya webiga, waxayna geeynayaan dhul ka fog webiga si loogu waraabiyo beeraha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu gacan ka geeysan doonto sidii beeraleeyda loogu dhiirigelin lahaa in ay wax soo saarka badiyaan, isagoo xusay in Jubaland ay caan ku tahay beerashada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.