Labo musharax oo isugu soo hartay wareegii labaad ee doorashada madaxweynaha Hirshabeelle
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Wareegii hore ee doorashada madaxweynaha
dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa goor dhaw soo dhamaantay, waxaana wareega
labaad isugu soo haray Labo musharax.
Wareega hore ayaa waxaa isugu soo haray Maxamed Cabdi Waare oo doorashada ku
hogaaminaya 44 cod, halka Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 20 cod, waxaa wareegan ka
tanaasulay musharixiinta kala ah Cabdinaasir Xaaji Shirwac iyo Cabdi Faarax
Laqanyo oo wareega hore helay min 6 cod.
Afarta musharax ee kale ayaa codadka u kala helay Yuusuf Axmed Hagar
Dabageed 1 cod, iyo Cabdikariin Cali Nuur oo helay 2 cod, halka Cabdiraxmaan
Xusseen Cadoow iyo Maxamed Caruush Diiroow wax codad ah ka helin
wareegii koowaad ee doorashada.
18 cod ayuu sheegay guddoonka baarlamaanka in ay xumaadeen, waana codadkii ugu badnaa inta la xasuusto oo mar kaliya xumaado doorasho noocan oo kale.
Wareegii labaad ee ayaa loo gudbay oo isugu soo hareen Maxamed Cabdi Waare
iyo Daahir Cabdulle Cawaale.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]