Al-shabaab oo la wareegay gacan ku heynta degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) - Weerar culus oo loo adeegsaday qaraxyo iyo
hubka noocyadiisa kala duwan oo Aroornimadii hore ee saakay Al-shabaab ay ku
qaadeen Ceel-Waaq kaddib ayeey u suurtagashay in ay la wareegaan guud ahaanba
gacan ku heynta degmada.
Wariye ku sugan gobolka Gedo oo lagu magacaabo Jamaal Xusseen Yuusuf
ayaa sheegay in gadiidka dagaalka
Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay gudaha u galeen degmada, iyaga oo weerar
isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah ku qaaday saldhiga iyo xarunta degmada oo
sida uu wariyuhu sheegay bur bur xoogan soo gaaray.
Dadka shacabka ah ee ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in gacan ku
heynta degmada la wareegeen Al-shabaab waxaana la sheegay in ciidamadii halkaa
ku sugnaan u firxadeen dhinaca xadka Kenya.
Guddaha magaalada ayaa lagu arkayaa gadiidka dagaalka iyo xoogag aad u heysan oo ka tirsan Al-shabaab oo gaafwareegaya xaafaddaha ay degmada ka kooban tahay.
Weerarkan oo ahaa mid culus ayaa imanaya xili madaxweynaha dowlad
gobolleedka Jubbaland uu ku sugan yahay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo
booqasho uu ku marayo.
Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]