4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 15, 2017
Ciidamada xasilinta oo howlgal balaaran ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

 

Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Ciidamada xasilinta ayaa boqolaal dhalinyaro ah ku qab qabtay howlgal culus oo saacadihii aynu soo dhaafnay ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Xaafadaha howlgalkan laga sameeyay waxaa ka mid ah Geed Jaceyl, Cabdalla iyo Cowreere iyo meelo kale oo ay isku baahiyeen ciidamada xasilinta oo ku hubeysnaa gaadiid dagaal iyo hub kale oo culus.

Dhalinyarada lagu qabqabtay howlgalkaas ayaa markii danbe la isugu geeyay fagaare u dhaw xarunta degmada, waxaana la sii daayay qaar ka mid ah dhalinyaradaas halka kuwo kale oo laga shakiyeyna ay ciidamadu u wateen xarumahooda si ay baaritaano dheeraad ah ugu sameeyaan.

Ciidamada xasilinta ayaan gelin guryaha ku yaalla xaafadaha ay ka sameeyeen howlgalkan, waxeyna qabqabanayeen oo qura dhalinyarada ku sugnaa jidadka xaafadaha.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay marti-gelisay dilal badan oo loo geystay shaqaale, ciidan iyo dad shacab ah, waxaana la aaminsan yahay in howlgalkan uu jawaab u ahaa dilalkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]