4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 15, 2017
Puntland oo markii ugu horeysay Sheybaar u adeegsan doonta Kiisaska la xiriira Kufsiga

 

Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Sheybaarkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa la sheegay in lagu baari doono Kiisaska la xiriira Kufsiga kaddib markii uu maamulka Puntland meel mariyay sharci ciqaab dul dhigaya kuwa gala danbiyada la xiriira Kufsiga.

Hey’adaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu badan ee ay ka dhacaan tacaddiyada kufsiga loo geysto haweenka.

Tan iyo markii uu dhaqan galay sharcigan maxkamadaha Puntland ayaa la sheegay in ay qaadeen 63 Kiis oo la xiriira falal Kufsi ah, waxaana 35 ka mid ah Kiisaskan natiijadoodu noqotay Xabsi, Ganaax iyo in danbiilayaasha meel fagaaro ah lagu Karbaasho.

Salaax Xabiib Xaaji Jaamac oo ah wasiirka Cadaalada Puntland ayaa sheegay in Sheybaarkan oo la dhigay Garoowe gacan siin doono laamaha amniga isaga oo Yiri’’ Markii hore waxaan u diri jirnay Dheecaanka lagu baaro Hide sidaha, Nairobi iyo Koonfur Africa, Jawaabtu waxaa ay qaadan jirtay, Maalmo ama mar marka qaar Bilo, laakiin hadda waxaan jawaabta ku heli karnaa Daqiiqado ama Saacado gudahood’’

Maryan Axmed Cali oo ah wasiirka Haweenka Puntland ayaa rajo badan ka qabta Sheybaarkan waxaana ay Tiri’’ Ma noqon doonto Arin lagu jahwareero Kumaa danbiga geystay iyo Yaa Kufsiga ku kacay waa Dhiiri-galin weyn’’

Sheybaarkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee Kufsiga ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan haweenka oo la kulma tacadiyada ugu badan ee Kufsiga la xiriira.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]