Xisbiga KULMIYE oo soo bandhigay barnaamij siyaasadeedkiisa cusub ee shanta sanno ee socota
Talaado, September 12, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland, mudane
Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta ka qaybgalay xafladda daah-furka
barmaamij-siyaasadeedka cusub ee xisbiga Kulmiye,taas oo ay ka soo qaybgaleen
madaxda sare ee xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga.
Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse
Biixi Cabdi iyo saraakiil kale oo xisbiga ka tirsan ayaa ka sheekeeyey
barnaamij siyaasadeedka cusub ee xisbiga KULMIYE ee shanta sanadood ee soo
socda.
Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi
ka hadlay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo aasaasihii xisbiga
ah,isla markaana mustaqbalka u rajeeyey xisbiga inuu ahaan doono mid sii jiri
doonna.
“Dawladnimada, Dimuqraadiyadda,
koboca dhaqaale iyo horumarka bulsho ee aynu gaadhnay, ma aha mid la innooga
soo waariday degel-shisheeye, balse waa mid hal-abuurkeeda iyo himiladeedaba,
aynu innagu la nimid.”ayuu yidhi Siilaanyo.
Mar uu ka hadlayey mudadii uu
xilka hayey waxyaalihii uu qabtay waxa uu yidhi”Shaki kuma jiro, oo waa laga
wada dheregsan yahay, in Muddo Xileedkii Koowaad ee Xukuumadda KULMIYE, wax
weyn ka qabatay horumarka iyo dhismaha Dalka. Waxaannu suurto galiney, horumar
ballaadhan oo dhinacyo badan leh, oo la taaban karo. Isbeddelladani waxay ka
turjumayaan, ballan-qaadyadii uu Xisbiga Kulmiye la galay bulshada, xilligii uu
ku jiray ololaha Doorashada.”
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu
sheegay inay ka go’an tahay inuu qabto doorasho xor oo xalaal ah,isla markaana
nabad ku dhacda.
“Wax-qabadka ballaadhan ee
Xukuumaddaydu ay qabatay, wuxuu ka mid ahaa ujeeddooyinka aan u aasaasay
Xisbiga Kulmiye. Sidaa darteed, muddadii Xukuumaddu jirtay dadkii aan xilalka u
magacaabay, waa ku ceeb inay cidi gaar u sheegato. Ragga uu taratanku ka
dhexeeyo, iyo inta ku xeeranba, waxaan kula dardaarmayaa, in aanay isaga
qaldamin Qarannimada iyo loollaanka iyo laacdanka iyaga ka dhexeeyaa.”ayuu
hadalkiisa sii raaciyey.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland