Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) – Dagaal culus oo
u dhaxeeya maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamulka Galmudug iyo Puntland ayaa
maanta ka dhacay degaanada Gacmafuule, Cali Waal iyo Godad oo dhammaantood
dhaca Bariga Gobolka Mudug.
Dagaalkan oo soo bilowday aroornimadii hore ee saakay
ayaa waxa ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan,
maadaama intii uu dagaalka socday ay soo gaarayeen gurmadyo kala duwan.
Dagaalka oo hadda u muuqda mid istaagay ayaa dhinaca kale
waxaa wali is hor fadhiya maleeshiyaadkii ku diraray halkaa.
Tiro ka badan 10 ruux oo maleeshiyaadkii dagaalamay ah
ayaa lagu waramayaa in ay dhinteen halka ku dhawaad 20 ruux kalana ay ku
dhaawacmeen dagaalka.
Duqa magaalada Gaalkacyo Yuusuf Xirsi Bare ee dhanka
Galmudug ayaa wuxuu ku baaqay in la
joojiyo dagaalka Bariga Gobolka Mudug, wuxuuna sheegay ka maamul ahaan in ay
wax ka qaban doonaan colaadahan.
Dagaalka maanta ayaa ka duwan dagaalada soo noq noqday ee
labada dhinac billihii ugu dambeeyay ku dhex maraayay Gobolkaasi Mudug,
maadaama maanta keliya ay barakac sameeyeen dad aad u badan.
Dadka reer Gaalkacyo, ayaa walaac ka muujinaya dagaalka culus ee Maamulada
Galmudug iyo Puntland ku dhexmara Bariga Gobolka Mudug, waxayna dadku ka baqdin
qabaan in dagaal uu ka qarxo magaalada.