4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 21, 2017
Ku dhawaad 50 ruux oo ku dhimatay is qarxin ka dhacday gudaha Masjid

 

Talaado, November, 21, 2017 (HOL)- Dalka Nigeria wararka ka imanaya ayaa sheegaya in ku dhawaad 50 ruux ku dhinteen gudaha Masjid ku yaala magaalada Mubi ee ku taalla Waqooyi Bari dalkaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in markii uu qaraxu dhacay Jameecada Masaajidka u taagnaayeen Tukashada Salaada Subaxa.

Qof ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Masjidka ayaa sheegay in ay la tahay in qofka is Qarxiyay uu ka mid ahaa Jaamaceedii Salaad ku jirtay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay qarxan ka dhacay gudaha Masjidka, laakiin inta badan qaraxyada ka dhaca Nigeria waxaa loo tiriyaa in ay ka danbeeyaan Ururka Boko Haram ee ka dagaalama dalkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]