Talaado, November, 21, 2017 (HOL)- Xisbiga
talada haya ee Zanu-PF ayaa mooshin xil ka qaadis ah ka keenay 93-jirka Zimbabwe
Robert Mugabe, kaasoo wali diidan inuu xilka ka dego, iyadoo ay shalay ku ekeyd
mudada laga codsaday inuu isku casilo.
Mudanayaal ka tirsan Xisbiga Zanu-PF ayaa sheegay in ay diyaariyeen
mooshinka laga keenay Mugabe, oo lagu wado in maalmaha soo socda la hor-geeyo
Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka Zimbabwe.
Kaliya mooshinka laga keenay Robert Mugabe waxaa uu sharci ku noqon karaa in
saddex meelood labo meel ay u codeyso oo ah Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka
Zimbabwe.
Mr Mnangagwa oo ay saaxibo dhow ahaayeen isaga iyo Mugabe ayaa ka maqan
dalka, waxaa uu ahaa ninka sababta u ahaa Xiisada siyaasadeed ee ka jirta
Zimbabwe ee aakhirkii ay soo fara geliyeen Milateriga, markii xil ka qaadis
lagu sameeyay.
Dadaalo la doonayo in Robert Mugabe lagu qanciyo inuu xilka isaga dego ayaa
wali socda, iyadoo uu dadaaladan ku soo biiray Madaxweynihii hore ee Zambia
Kenneth Kaunda oo saaxibo dhow yihiin Mr Mugabe.
Mugabe ayaa wajahaya
cadaadis uga imaanaya xubnaha Xisbigiisa, Saraakiisha Milateriga iyo shacabka
reer Zimbabwe oo doonaya inuu xilka ka dego.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]