9/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 21, 2017
Jabuuti oo $1 million oo dollar ugu deeqday dadkii ku wax yeelloobay Qaraxii Zoobe

 

Talaado, November, 21, 2017 (HOL)- Dowladda Jabuuti ayaa lacag dhan $1 million oo dollar ugu deeqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxii 14kii bishii October ee sanadkan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Wareejinta deeqday lacageed ayaa waxaa goob joog ka ahaa ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo safiirka dowladda Jabuuti Aadan Xassan Aadan.

Lacagtan ayaa waxaa lagu wareejiyay guddiga gurmadka Qaranka oo sheegay in lacagta la gaarsiin doono dadkii loogu talagalay.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa uga mahad celiyay dowladda iyo shacabka reer Jabuuti sida ay mar walba u barbartaagan yihiin shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah dowladihii ugu horeyeey oo gar gaar isugu jira dawooyin iyo dhaqaatiir Gurmad ah u soo direy Soomaaliya maalin uun kaddib markii uu dhacay qarixii Zoobe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]