4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2017
26 Sano Kadib Magaalada Buulo Burde oo yeelatay Ciidamo Boolis ah [Sawirro]

Talaado, November, 21, 2017 (HOL)- Mudo laga jooga 26 sano kadib burburkii dowladii dhexe ee dalka ayaa markii ugu horeysay ciidamo boolis ah oo iskood isku abaabulay laga howlgiliyay degmada buulo burde ee gobolka Hiiraan oo mudo lixsano ka badan jidadku ka xiranyihiin.

Ciidamadan booliska ah oo ka kooban 23 askari oo mutadawaciin ah qaarkood waxa ay kamid ahaayeen ciidankii booliska soomaaliyeed ee iyagoo shaqeynaya ay burburtay dowladii dhexe .

Taliyaha ciidanka booliska degmada Buulo-Burde labo xidigle Shuuriye Macoow Xallane ayaa sheegay in ay ku shaqeeyaan dhibaatooyin adag maadaama aaney heysan  qalab boolis oo ay ku shaqeynaan, tababaro ciidanka ah iyo xuquuqdii ciidannimo.

Maamulka degmada Buulo Burde oo kaashanaya saraakiishii hore ee  booliska ayaa ku guuleystay in ay dib u howlgilyaan ciidamo boolis ah oo ka jawaaba baahiya jira  waxaan taliye Shuuriye uu sheegay in sababta ugu weyn ee arintan ay tahay sidii degmada amnigeeda loo sugi lahaa.

Cabdi Daair Guure Karoore Gudoomiyaha Dagmada Buula-Burde  ayaa shegay hadii aysan jirin Ciidamo boolis ah in aysan nolol jirin waxana uu shacabka degmada kula dar daarmay in ay la shaqeyaan Ciidamada Booliska ah si howsha loo igmaday ay u qabtaan.

Ugu danbayn,Maamulka degmada Buula Burde iyo taliyaha ciidanka booliska degmada ayaa ka codsaday madaxda booliska soomaaliyeed in ay ka taageeraan qalabka gaadiidka iyo tabaradada ciidaanka booliska si ay u gutaan waajibaadkooda qaran .


Moxamaed Cismaan Makaran
Buula,Barde, Hiiraan ,Somalia