Talaado, November, 21, 2017 (HOL)- Madaxweyne Trump ayaa shaaciyey
in Maraykanku mar labaad ku darayo Kuuriyada Woqooyi liiska dawladaha taageera
argagixisada, sagaal sanadood ka dib markii laga saaray liiskaaa.
Kulan golaha wasiirada, ayuu sheegay in dhaqaaqaasi
bilaabi doono cunaqabatayno dheeraad ah oo “aad u balaadhan” oo la shaacin
doono Salaasada.
Laakiin xoghayaha arimaha dibadda Rex Tillerson ayaa
markii dambe qirtay in “saamaynta taabashada lihi laga yaabo in ay xadidnaato”
Trump wuxu canaantay barnaamijka nukliyeerka dalka
iyo taageerada waxa uu ugu yeedhay dhacdooyinka caalamiga ah ee argagixisada.
Markuu ka shaaciyey go’aanka Aqalka Cad,
madaxweynaha Maraykanka wuxu yidhi “inay mudo dheer ka hor dhacdo ahay ahayd”
Sebtember Maraykanku wuxu soo jeediyey silsilad
qunaqabatayno Qaramada Midoobay oo ka dhan ah Kuuriyada Woqooyi oo uu ku jiro
xayiraad saliida ah iyo in la fadhiisiyo hantida hogaamiye Kim Jong-un.
Waxay daba socotay tijaabadii lixaad ee nukliyeer ee
Woqooyiga iyo ridida gantaalaha lagu celceliyey.
Kuuriyada Woqooyi waxay ku biiraysaa Iran, Sudan iyo
Suuriya liiska wadamada loo haysto in ay ku celceliyaan taageerada ay siiyaan
falalka argagixisada caalamiga.
Wadanku wuxu hore ugu jiray liiska laakiin waxa ka
saaray 2008 maamulkii George W Bush taas oo qayb ka ahayd wadahadalladii ku
saabsanaa barnaamijka nukliyeerka Woqooyiga.
Ololaha lagu celinayaa wuxu xoogaystay ka dib markii
arday koolaj Maraykan ah Otto Warmbier dhintay in yar ka dib markii laga sii
daayey jeelka Kuuriyada Woqooyi.
BBC