4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 21, 2017
Natiijada doorashada Soomaaliland oo maanta la filayo

 

Talaado, November, 21, 2017 (HOL)-  Todobaad iyo ka badan ayaa ka soo wareegtay doorashadii 13kii bishan ka dhacday Soomaaliland waxaana muuqata in guddiga doorashadu waqti badan ku qaadatay in ay ku dhawaaqaan natiijada.

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maanta la filayo ugu danbeyn in ay soo baxdo natiijada doorashada iyo Xisbiga guuleystay saddexda Xisbi ee doorashada ku tartamay oo kale ah UCID, Kulmiye iyo WADDANI.

Musharaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa xalay ku dhawaaqay in uu qaadacay gabi ahaanba doorashadii dhawaan dhacday oo sidan uu hadalka u dhigay madmadow badanni ku gadaaman yihiin.

Taageerayaasha Xisbiga ayuu ka dalbaday in ay is dajiyaan lana ilaaliyo xasiloonida, isaga oo intaa ku darray in aysan xaq darro qaadan doonin.

Dadka reer Soomaaliland ayaa siweyn ugu dhagtaagaya dhawaaqa guddiga doorashada lamana oga sidda ay xaaladu noqon karto kaddib marka lagu dhawaaqo Xisbiga guuleystay, madaama dhawaan qeybo ka mid ah Soomaaliland ka dhaceen rabshado dhimasho sababay oo la xiriiray cabasho laga muujinayay sidda loo waddo tirinta codadka.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]