3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 21, 2017
Dowladda Mareykanka oo kordhisay howlgalkeeda gudaha dalka Soomaaliya

 

Talaado, November, 21, 2017 (HOL)- Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay howlgalkeeda iyo ciidamada ka jooga  Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo sidoo kale kooxda Daacish ee ku sugan gobollada Bari ee Soomaaliya.

Saraakiil Sar sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ee joogga Soomaaliya la gaarsiiyay Meeshii ugu sareysay .

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in ciidamada dowladda Mareykanka howlgalada ay ka fuliyaan Soomaaliya in ay noqdeen kuwo badankood guuleystay.

Waxaa ay sheegtay in ku dhawaad 500 oo askari la gaarsiiyay sanadkaan Ciidamadeeda howlgallada gaarka ah ka fuliya Soomaaliya.

War laga soo xigtay wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu balaariyay Qorshaha dagaalka lagula jiro Argagixisadda ah ee ku sugan Geeska Africa.

Dowladda Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u xoojisay howlgallada ay ka fuliso Soomaaliya, waxaana xusid mudan in bishaan ay fulisay in ka badan 5 weerar saddex ka mid ah ay dhaceen 24 saac gudahooda.

Mareykanka ayaa horay u sheegay in ay ka go’an tahay dagaalka Kooxda Daacish ee ku sugan degaanada maamulka Puntland iyo Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/21/2017 8:16 AM EST
Talaado, November 21, 2017 (HOL)- Guddida doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay xisbiga ku guulaystay doorashadda Somaliland, waxaana loo doorty madaxweynaha shanta sanno ee soo socda Musharax Muuse Biixi iyo musharax madaxweyne ku xigeen C/raxmaan Saylici oo ka sharaxnaa xisbiga KULMIYE.

11/21/2017 6:39 AM EST
Talaado, November, 21, 2017 (HOL)- Dalka Nigeria wararka ka imanaya ayaa sheegaya in ku dhawaad 50 ruux ku dhinteen gudaha Masjid ku yaala magaalada Mubi ee ku taalla Waqooyi Bari dalkaas.

11/21/2017 6:27 AM EST
Talaado, November, 21, 2017 (HOL)- Xisbiga talada haya ee Zanu-PF ayaa mooshin xil ka qaadis ah ka keenay 93-jirka Zimbabwe Robert Mugabe, kaasoo wali diidan inuu xilka ka dego, iyadoo ay shalay ku ekeyd mudada laga codsaday inuu isku casilo.

11/21/2017 4:56 AM EST
Talaado, November, 21, 2017 (HOL)- Dowladda Jabuuti ayaa lacag dhan $1 million oo dollar ugu deeqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxii 14bishii October ee sanadkan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

11/21/2017 3:49 AM EST
Talaado, November, 21, 2017 (HOL)- Mudo laga jooga 26 sano kadib burburkii dowladii dhexe ee dalka ayaa markii ugu horeysay ciidamo boolis ah oo iskood isku abaabulay laga howlgiliyay degmada buulo burde ee gobolka Hiiraan oo mudo lixsano ka badan jidadku ka xiranyihiin.

11/21/2017 1:42 AM EST
Talaado, November, 21, 2017 (HOL)- Madaxweyne Trump ayaa shaaciyey in Maraykanku mar labaad ku darayo Kuuriyada Woqooyi liiska dawladaha taageera argagixisada, sagaal sanadood ka dib markii laga saaray liiskaaa.

11/21/2017 1:33 AM EST
Talaado, November, 21, 2017 (HOL)- Todobaad iyo ka badan ayaa ka soo wareegtay doorashadii 13kii bishan ka dhacday Soomaaliland waxaana muuqata in guddiga doorashadu waqti badan ku qaadatay in ay ku dhawaaqaan natiijada.

11/21/2017 12:48 AM EST
Talaado, November, 21, 2017 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormoor shaqo oo uu ku tagey xafiiska Hanti-dhowrka guud ee qaranka ka sheegay in Xukuumaddu ay xooga saareyso la-dagaalanka musuq-maasuqa, maadaama barnaamijka dawladda ay ugu muhiimsan tahay isla-xisaabtanku.

11/21/2017 12:40 AM EST
Talaado, November, 21, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho labo cisho ah ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wadahadallo la yeeshay Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalkan Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

11/21/2017 12:33 AM EST
Talaado, November 21, 2017 (HOL)-Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay inuu qaadacay natiijadda doorashadda ee aan wali la shaacin, waxaanu ku sababeeyey in ku shubasho ka dhacday.