Talaado, November, 21, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho labo cisho ah ku
jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wadahadallo la yeeshay Dhaxal
Sugaha Imaaradda Abu Dubay, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka
Sida ee dalkan Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.
Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada
joogtada ah ee ay Dowladda Isu-tagga Imaaradka Carabtu la garab taagan tahay
walaalahooda Soomaaliyeed oo ay ugu dambeysay gurmadkii caafimaad ay u fidiyeen
dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii xanuunka badnaa ee bishii Oktoobar ka dhacay
magaalada Muqdisho.
Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in dowladaha
Soomaaliya iyo Imaaraadka ay kor u qaadaan xiriirka iskaashi maadama ay kawada
dhaxayso taariikh iskaashi oo soo jireen ah, isaga oo ballan qaaday in ay
dowladdiisu kordhineyso dadaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo Dhaxal Sugaha ayaa isku afgartay dhammaan arrimihii ay ka
wada hadleen oo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada
dal, iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, horumarinta, iyo la
dagaallanka kooxaha xagjirka.
Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda
Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhanka
Istiraatiijiyadda Prof. Nuur Diiriye Xirsi, Sen. Mahdi Daahir Sheekh Nuur iyo
Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Isu-tagga Imaaraadka
Carabta Mudane C/qaadir Sheekheey Maxamed Al Xaatimi.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]