Xisbiga WADANI oo joojiyey wada shaqayntii ay la lahaayeen guddiga Doorashooyinka
Khamiis, November 16, 2017 (HOL)- Xisbiga Mucaaradka ah ee
WADANI ayaa sheegay inay joojiyeen wada shaqayntii ay la lahaayeen gudida
doorashooyinka Qaranka.
Xisbiga WADANI ayaa sheegay inay
cabashooyin badan oo ay u gudbiyeen Komishanka Doorashooyinku iska dhago
mariyeen ay go’aan sadeen inay joojiyaan wada shaqayntii ay la lahaayeen
Komishanka Doorashooyinka.
“Doorashadii 13-ka bisha ka
dhacday oo ay ahayd insidii caadada ahayd ay noqoto doorasho xor iyo xalaal ah, waxaa soo baxday
oo guddida doorashaduna iska dhaga mariyeen cabashooyin badan oo xisbigaa
Waddani u soo gudbiyey, doorashaduna way
ka baxday xor iyo xalaaltii waxaana gobolo badan oo wadanka ka mid ah ka
dhacday ku shubasho baahsan markii aanu u gudbinay guddida doorashaduna
waxay kaga jawaabeen aamusnaan.”ayuu
yidhi Cismaan Af gaab oo ah gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga WADANI.
Waxaanu intaas ku daray “Waxaanu
ku war gelinaynaa dhamaan wakiilada xisbiga inay hakiyaan wada shaqaynta
guddida doorashada inta xisbigu go,aan ka soo saarayo, xisbiga ayaanu wakiil ka
nahay shaqo ayaanan wakiil uga nahay, shaqadaasi haday u socon waydo si sax ah
go’aanka kama dambaysta ah waxa iska leh madaxda xisbiga, laakiin waxaanu
cadaynaynaa inaanan sii wadi Karin shaqada madaxduna ay go’aan ka gaadhi
doonto.”
Guddida doorashooyinka ayaa laga
sugaya jawaab ay ka bixiyaan go’aanka xisbiga WADANI soo jeediyey, iyadoo ilaa
hada socoto tirintii sanaaduuqda oo dib loo hubinayo, iyado gobol walba dib loo
hubinayey si xisbi walba loo qanciyo.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.