4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2017
Odayaal waxgarad Minnesota uga Hadalay colaad Somalida & Oromada ku dhex Maraya gudaha Itoobiya, VIDEO

Isniin, November, 13, 2017 (HOL) –Odayaal iyo  waxgarad ka soo jeeda dowlad dagaanka Soomaalida Itoobiya oo dagan gobolka Minnesota ayaa shalay galab kulan saxaafadeed ku qabtay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ,kulankaan oo ay uga hadlayeen dagaalo iyo rabshado ka jira dhulka ay wada dagaan qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee ku yaal gudaha dalka Itoobiya.

Odayaashaan oo si toosa fariin ugu diraayey dowlada fadaraalka Itoobiya iyo tan ismaamulka Soomaalida sidii wax looga qaban lahaa dilalka iyo xasuuqa ka jira dhulkaas waa siday hadalka u dhigayeene,

Waxgaradkaan oo sheegay in dowladda  Itoobiya aysan u muujin dhexdhaxaadnimo inta badana ay ka hadlaan dhibaatada qoomiyada Oromada iyagoo indhaha ka qarsada qaxa iyo bara kaca lagu hayo qoomiyadda Soomaalida ee ku dhex nool dagaannada Oromada oo ay sheegeen in dad badan ay ku godoonsan yihiin dagaaanada sida Magaalo ay ku magacaabeen Balbalayti, HALKAN HOOSE KA DAAWO SHIR SAXAAFADEEDKA OO VIDEO  AH.


 

Siyad Said Salah

Hiiraan,Online

Minneapolis MN

[email protected]