Haweeyney Uur laheyd iyo Seygeeda oo Qarax ku dhintay Buuraha Galgala ee gobolka Bari
Arbaco, May ,31, 2017 (HOL) – Haweeney uur laheyd iyo seygeeda ayaa ku
dhintay togga Balikhadar oo u dhow deegaanka Galgala ee gobolka Bari, maalin ka hor kadib markii gaari ay la socdeen uu dul marey miino dhulka
dhinaceeda lagu aasay, sida ay saraakiil sheegeen.
Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntland, ayaa VOA u xaqiijiyay, in
qaraxaasi uu dhacay abbaaro 5 30-kii gelinkii dambe ee shalay ka hor xilliga
afurka, waxana baabuurka qarxay uu ku socday buuraha Galgala.
Ma cadda haddii bartilmaameedku uu ahaa dadka la weeraray, oo sida la
sheegey aanay hubeysaneeyn.
Deegaannada u dhow dhow buuraha Galgala, waxa tiro dhowr jeer ku dagaallamay
ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyaad ka tirsan ururka al-Shabaab,
iyadoo qaarkoodna ay hore u sheegeen inay ku biireeen kooxda ISIS.
Source : VOA
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]