Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday qoysas barakacayaal ah
Arbaco, May, 03, 2017 (HOL) – Madaxweynaha
dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kormeeray
xeryahay qoysaska barakacayaasha ah ee ku dhaw xarunta madaxtooyada Villa
Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay xerada barakacyaasha ee beerta daraawiishta
ee ku taal agagaarka taalada Sayidka oo ku dhow Madaxtooyada.
Xeradan ayaa waxaa ku nool boqolaal qoysas oo ka soo barakacay gobolada
dalka, waxaana kormeerka Madaxweynaha ku soo aaday, xilli dadkaas xaalado
nololeed uu soo wajahay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u qeybiyay barakacayaasha Bacaha roobka laga galo
iyo Bustayaal, oo ay si aad ah ugu baahi qabeen, maadaama roobab ay ka curteen
magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.
Kormeerkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee madaxweynaha uu ku tago xero ay degan yihiin barakacayaal, tan iyo
markii xilka Madaxweynaha loo doortay, iyadoo goobaha barakacayaasha ka mid
aheyd meelihii laga taageerayay xilligii doorashadiisa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]