4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 25, 2017
Xaaladda degaanno ka tirsan G/Sh/ Hoose oo maanta degan kadib dagaal ka dhacay

 
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) -Dagaal xooggan oo u dhexeeyay Al Shabaab iyo ciidanka dowladda oo shalay ka dhacay degaanno hoos yimaada gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa kasoo baxaya faafaafino kala duwan.

Dhinacyadii dagaalamay ayaa la sheegay in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 8 kamid ah dadkii dagaalamay ay ku dhinteen dagaalka, halka ay jiraan dad kale oo rayid ah oo khasaare uu kasoo gaaray dagaalka. 

“Degaannada Number 50 iyo Muuriya waxaa jooga ciidanka dowladda, waxaana ay iska caabiyeen dagaal ay Al shabaab kusoo qaadeen degaanka. 6 kamid ah Al shabaab ayaan dagaalka ku dilay, annagana waxaa naga dhaawacmay askar tira yar”, sidaasi waxaa sheegay mid ka mid ah saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Xaaladda degaannada Number 50 iyo Muuriya, ayaa maanta degan, mana jiraan wax dagaala ah. Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa wada howgallo amni xaqiijin ah.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ku qaada fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia