Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Ciidamada
dowladda Soomaaliya ayaa hawlgallo ballaaran oo Al-shabaab lagula dagaalamayo ka
bilaabay deegaano hoostaga gobolka Bakool.
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qaybta 60-aad ayaa sheegay in
hawlgalladan looga yihiin kuwa lagu ka dhan ah Al-shabaab loogana saarayo
deegaanno ka tirsan gobolka oo ay maamulaan, kaddib cabasho is xig xigtay oo ka
timid dadka ku dhaqan deegaannaadaas .
Ciidamada dowladda ayaa ku guuleystay in ay qaadaan jidgooyooyin u yaallay
Al-shabaab sida uu mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda u sheegay warbaahinta, isaga oo intaa ku
darray in Al-shabaab maalmaha soo socda ka saari doonaan
guud ahaan gobolka Bakool.
Gen.C/llaahi Cali Caanood abaanduulaha ciidamada xooggga dalka Soomaaliya
ayaa dhawaan sheegay in ciidamada dowladda ay wadaan abaabulkii ugu
danbeeyey hawlgalka Al-shabaab laga saarayo guud ahaan Gobolada dalka
Soomaaliya.
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Ethiopia iyo ciidammada maamulka
Koonfur galbeed ayaa marar badan dib uga soo baxay degmooyin iyo deegaano ay kala wareegeen Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]