4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 23, 2017
Ololaha tallaalka Jadeecada oo ka socda Muqdishu iyo Afgooye

 
Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adda UNICEF, ayaa todobadkan magaalladda Muqdishu ka bilaabay Ololaha tallaalka cudurka Jadeecada.

125-kun oo carruur ah oo da’dooda ay ka yartahay 6 ilaa 59 bilood, oo ku nool xeryaha ay ku jiraan dadka Barakcyaasha ah ayaa la doonayaa in sanadkan laga tallaalo cudurka jadeecada, sida hay’addaha ay sheegeen.

Degaanada sidoo kale Ololaha tallaalka uu ka socon doono ayaa waxaa kamid ah degaannada hoosyimaada gobolka Banaadir iyo degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Furitaanka Ololaha waxaa ka qeyb-galay madax ka tirsan Gobolka Banaadir, wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, hay’addaha UNICEF, WHO iyo saraakiil kale.

Warbixinta hay’addaha ayaa dhinaca kale waxaa lagu sheegay, in tirada kiisaska cudurka ee sanadkan 2017 in ay aad u badanyihiin marka loo eego sanadadii lasoo dhaafay. Tan iyo bilowgii sanadkan waxaa dalka Soomaaliya lagu arkay 7694 kiis oo cudurka Jadeecada ah, kuwaas oo 1989 kamid ah oo u dhigma 26% lagu arkay gobolka Banaadir.

Tallaalka cudurka Jadeecada ayaa waxaa lagu bilaabay degmooyinka Hodan, Dayniile, Dharkenley, Kaxda iyo degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ololaha ayaa la filayaa in lasoo gunaanudo ka hor bisha Ramadaan, ama marka taariikh ay ku beegantahay 25 bishan May.

Dalka Soomaaliya oo sanado badan ay ka jireen colaado iyo dagaalo sokeeye, ayaa waxaa inta badan laga sheegaa cuduro kale.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia