Khamiis, Maarso, 30, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb-gashay shirka Jaamacada
Carabta ugu soo idlaaday magaalada Camaan ayaa kulan gaar ah la yeeshay boqorka
Jordan Amiir Cabdalla-ha Labaad.
Boqorka Jordan ayaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Farmaajo, isagoo balan qaaday
in Boqortooyada Haashimiga ah ee Jordan si dhow ula shaqeyneyso dowladda cusub
ee Soomaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta uu u sameeyay
Boqorka, waxaana uu xusay in Jordan iyo Soomaaliya ay yihiin labo dal oo
cilaaqaad soo jireen ka dhaxeeyo.
Waxaa ay si gaar ah uga wada hadleen joogteynta xiriirka
saaxibtinimo ee labada dal, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday in
Boqortooyada Jordan ka qeyb qaadato arrimaha gurmadka abaaraha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad dheer ka jeediyay shir madaxeedka Carbeed,
isagoo ka hadlay caqabadaha xilligan ka jira Dunida Carabta, iyo sida lagama
maarmaan u tahay in caqabadahaas looga gudbo midnimo.
Ugu danbeyntii, shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo hadal qaaday
xaalada Soomaaliya, inkastoo ajandaha ugu weynaa shirka uu ahaa arrimaha bariga
dhexe, colaada Falastiin iyo Israa’iil, iyadoo Carabta ay tilmaameen in
Falastiin oo noqoto dowlad ay sahli doonto in nabad iyo xasilooni ka dhalata
Bariga Dhexe.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]