4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 28, 2017
Minnesota : Dood ku saabsan sidii loo soo nooleyn lahaa hay'addihii dowliga dalka Soomaaliya oo la qabtay


Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) - Dood-qaran oo ah madal inta badan looga doodo arrimaha siyaasadda Soomalida ayaa markii labaad xalay lagu qabtay Gobolka Minnesota ee ay Soomaalida Mareykanku ku badan tahay.

Dooda xalay oo ahayd mid si weyn loo soo abaabulay ayaa waxaa looga dooday sidii ay dowladda cusub ee dhawaan la doortay ugu guulaysan lahayd soo celinta hay’addihii dowliga ahaa, kuwaasi shaqo gabay markii ay burburtay dowladda dhexe Soomaaliya.

Qeybtaan ayaa waxaa lagu casuumay afar ruux oo isugu jiray aqoonyahano iyo siyaasiin, kuwaasi oo kala aha: Farxaan Cali Xusseen oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ah aqal ku cusub masraxa siyaasadda Soomaaliya. Hudda Cumar Ibraahim oo ah gabar aqoonyahanada oo muddo dheer wax ka qoraysay arrimaha Soomaaliya, islamarkaana si weyn ugu ole-olaysa in dumarka door muuqda laga siiyo ka qeybgalka siyaasadda. Ibraahim abiikar Nuur, oo ah nin aqoonyahan ah oo la shaqeeya dowladda goboleedka gobolka Minnesota. Iyo ugu dambeyn Daa’uud Ciid Cusmaan, oo muddo dheer wax ka qorayey arrimaha Soomaaliya, isagoo si weyn uga hadla musuqmaasuqa, waxaana uu la soo shaqeeyey macadka daraasadka iyo cilmi baarista siyaasadda ee Heritage ee saldhiggiisu yahay magaaladda Muqdisho.

Ka qeybgalayaasha dooda ayaa si weyn uga hadlay in ay xiligaan adag tahay in si dhaqso ah loo soo celiyo hay’addihii dowladda, kuwaasi oo shaqo gab ahaa muddo ka badan dhowr iyo labaatan sano, waxaana falaqeeyeyaashu tilmaameen in ay caqabado waaweyn kala kulmikarto dowladda cusub isku deyga howshaan, sida dhaqaale xumo iyo in la helo dad leh xirfad ku filan oo shaqadaan qabankara.

Doodda ayaa si weyn loogu dheeraaday musuqmaasuqa, kaasi oo sabab u noqday in shacabka Soomaaliyeed iyo deeq-bixiyeyaasha caalamkuba ay ka aamin baxaan dowladda Soomaaliya, waxaana aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Dood-qaran ka qeybgalay ay tilmaameen in looga baahan yahay dowladda Soomaaliya in ay shaqadeeda ka bilowdo siddii ay ku sameyn lahayd nidaam dhaqaale oo ku dhisan isla xisaabtan iyo hufnaan.

Garsoorku waxaa uu ahaa mid ka mid ah mowduucyada madasha yaalay, kaasi oo la isla gartay in uu ka mid yahay waxyaabaha ugu waaweyn ee dadka Soomaaliyeed baahida u qabaan, maadaama dalka Soomaaliya uu ahaa dal muddo dheer burbursan oo ay ka dhaceen xad-gudubyo waaweyn, islamarkaana ay lama huraan tahay in la helo nidaam garsoor oo madax, kaasi oo la jaan-qaadikara nidaamka feederaalka uu dalku qaatay.

Doodaha nuucaan ah ee looga doodo arrimaha saameynta waaweyn ku leh bulshada dhexdeeda ayaa ah kuwo kuwo ku cusub Soomaalida, waxaana dooddii xalay ka soo qeybgalay dadweyne aad u farabadan oo isugu jira qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

Hiiraan Online News Desk

Minneapolis