4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 28, 2017
Guddida doorashooyinka shaaciyey tiradda guud ee isku diwaangalisay doorashadda Somaliland

 

Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL)- Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay wakhtiga, tirada guud ee iska diwaangalisay wadanka iyo gobol waliba inta ka diwaangashan.

Sidoo kale, waxa uu guddida doorashooyinku soo saaray wakhtiga la qaybinayo Kaadhadhka doorashooyinka lagu galayo oo ay saddex qaybood u qaybiyeen.

“Guddida doorashooyinku wuxuu maanta si rasmi ah ugu dhawaaqayaa in uu soo bandhigi doono jadwal qeexan oo faahfaahinaya hawsha kaadh-qaybinta codbixiyayaasha ee .Kaadh-qaybintu waxay yeelanaysa saddex weji oo kala dambeeya, iyada oo wejigii walba laba Gobol ay mar ka wada bilaaban doonto Kaadh-qaybintu.”ayaa lagu yidho war-saxaafadeed ka soo baxay.

WEJIGA KOOWAAD ee hawsha Kadh-qaybintu waxay mar ka wada bilaabanaysa labada Gobol ee kala ah Awdal iyo Saaxil iyo goobaha xeebaha ah ee Sanaag madaama sadexdaas Gobol ay xeebo leeyihiin, anagoo xeerinayna cimilada goobaha xeebaha dartood.

WEJIGA LABAAD waxa kaadhadhka codbiyayaasha loo qaybin doona Gobolada Maroodi-Jeex iyo Togdheer.

WEJIGA SADDEXAAD waxa lagu dhamaystiri doona Kaadh-qaybinta codbixiyayaasha ee Gobollada Sool iyo Sanaag.

Hadaba, wejiga kowaad ee Gobollada Awdal iyo Saaxil iyo Goobaha xeebaha ah ee Gobolka Saanaag, waxay qaybinta kaadhadhka codbixiyaashu ka bilaabmaysa bisha April 29, 2017, iyadoo wejiga labaad iyo kan sadexaad ay kaadh-qaybintu bilaaban doonto Bisha baraykasan ee Ramadaan ka bacdi.

Dhinaca kale, waxa guddida doorashooyinku shaaciyeen tiradda gobolada iska diwaangalisay iyo gobol waliba inta codad ee ka codeyn karta, waxaanay kala yihiin sidan hoos ku qoran:

Gobolka Awdal waxa iska diwaangaliyey dad lagu qiyaasay: 147,031, gobolka Maroodi jeex waxa iska diwaangaliyey dad lagu qiyaasay 312,634, gobolka Saaxil waxa iska diwaangaliyey 78,842, gobolka Togdheer waxa iska diwaangaliyey 178,506, gobolka Sool waxa iska diwaangaliyey 71,096, gobolka Sanaag waxa iska diwaangaliyey dad lagu qiyaasay 85,222, guud ahaan Somaliland oo dhan wadarta guud ee iska diwaangalisay waxay noqonaysaa 873,331.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.