4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 28, 2017
Madaxweyne Cosoble: Wasaaradda arimaha gudaha fargalin ayeey ku heysaa maamulka Hirshabeelle

Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabudllaahi Cosoble ayaa goor dhaw oo maanta ah shir jaraa’id ayaa eedeyn u jeediyay wasaarrada arimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya oo sida uu sheegay faragalin toos ah ku heysa howlaha maamulka.

Gaar ahaan madaxweynaha ayaa ku eedeeyay xoghayaha joogtada ah ee wasaarrada arimaha gudaha Prof Yaxye Cali Ibraahim in magaca maamulka Hirshabeelle shirar uga qeybgaliyo dad aan matalin maamulka, taasoo xadgudub weyn iyo caqabad inta ku ah wada shaqeyntii ay la lahaayeen wasaarrada arrimaha gudaha iyo guud ahaanba dowladda dhexe.

‘’Maamul gobolleedka fursad uma helin in uu ka qeybgallo shirar muhiim ahaa oo ay ka qeybgalleen mas’uuliyiinta maamullada kale ee dalka ka dhisan, gaar ahaan shirkii ugu danbeeyay ee looga hadlayay xuduuddaha dalka, waxaa shirkaa ka qeybgallay shaqsiyaad lagu sheegay in ay matalayeen maamulka oo ay wasaarrada arimaha gudaha waddatay ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha ayuu ugu baaqay in ay ka wax ka qabtaan sida uu hadalka u dhigay faragalinta lagu hayo maamulkiisa.

‘’ Annaga arintan waxaa la socodsiineynaa madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha in ay ka qaataan tallaabada ku haboon, haddii aysan arintaa wax ka qaban waxaa u aragnaa in dowladda oo dhan isla ogtahay’’ ayuu yiri madaxweyne Cosoble.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa shirkaasi jaraa’id ka shaqeeya in lagu dhawaaqay guddi heer wasiiro ah oo ka shaqeyn doona gurmadka abaaraha ka jira deegaannada uu maamulka ka arimiyo waxaana guddoomiye u ah guddigan wasiirka arimaha gudaha maamul gobolleedka Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]