4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 28, 2017
Dagaal ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur

Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) - Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray waddada isku xirta deegaan lagu magacaabo Ceel qoxle iyo sidoo kale degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Wararku waxaa ay sheegayaan xoogagga ka tirsan Al-shabaab jidka u galeen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ka baxay magaalada Dhuusa-mareed, islamarkaana ku sii jeeday degmada Ceelbuur ee gobollka Galgaduud.

Dagaalka oo leysku adeegsaday hub kala duwan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale waxaa la sheegaya in Madaafiic ay adeegsadeen labada dhinac in ay waxyeelo kasoo gaartay dadka degaanka.

Ugu danbeyntii, ciidamada Itoobiya ee ka howlgala gobolka Galguduud ayaa inta badan dhaqdhaqaaqyo militari ka sameeya deegaannada isku xira degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuusa-mareeb, halkaa oo isku horimaad ay kala kulmaan dagaalyahannada Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]