Sabti, Maarso ,25, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
ayaa xafiiskiisa ku qaabilay shalay macalinkii loo xiray magaca madaxweynaha
isku mid noqoteen ee isna magaciisa la yiraahdo Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo.
Macalin Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo ayaa xabsiga loo dhigay ka dib markii ciidanku ku eedeeyeen sheegasho
magac aanu lahayn,isla markaana isku magac noqdeen madaxweynaha, waxa kale oo ciidanku diideen damaanad lagu siidaynayey
oo maxkamadda usoo qortay ciidanka in muwaadinkaasi xidhan damaanad lagu sii
daayo.
Hasse ahaatee markii uu habeen iyo
maalin xidhnaa ayaa la siidaayey, waxaana madaxweynaha shalay jimcihii ku wada tukeen masaajidka
madaxtooyadda magaaladda Hargeysa, waxaanu madaxweynuhu raali galin ka siiyey
khaladkii lagu xidhay.
Macalinka magaca madaxweynaha
isku eekaanshiyihiisa lagu xidhay ayaa
warbaahinta la hadlay waxaanu sheegay in ciidanka Taraafikadda oo xabsigiisa ka
dambeeyey uu ku eedeeyey inay si xun ula dhaqmeen,isla markaana dadkii soo
booqanayey ka ho hor joogsadeen.
“wax dambi ah maan galin,
magacaygu waa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaaanyo, waxaana Siilaanyo la ii
bixiyey wakhtigii qaxootiga jacayl la jecel yahay Siilaanyo darteed ayaa la igu
bixiyey, marka maalintii khamiistii anigoo iskuulka jooga ayaa gaadhi ardayda
qaadda ganaaxeen ciidanka waddo maristu waxaana u diray lacagtii lagu ganaaxay
oo Zaadka uga diray, markii magacaygaa arkeen ka dib ayey ii yeedheen ka dibna
xabsiga ii taxaabeen, waxaanay diideen dadkii isoo booqanayey oo rasaas kaga
hor tageen, waxa kale oo diideen damaanadii la igu sii daynayey oo maxkamaddu
qortay in la sii daayo”ayuu yidhi Macalin Axmed Siilaanyo oo xabsiga ku mutay
isku eekaanshiyaha magaca madaxweynaha.
Mar uu la hadlayey kulankii uu
madaxweynaha la yeeshay waxa uu yidhi “ Madaxweynaha ayaa na qaabilay, waan ku
faraxsanahay inaan la kulmo, madaxweynaha sharaf bay u tahay inuu dadkiisa uu
madaxweynuhu u yahay uu la kulmo,
madaxweynuhu wuxuu yidhi qof aanu isku magac nahay aad baan ugu faraxsanahay
inaanu is aragno, anna dhiiraraan ayey arrintaasi I siiyey waanu iga raali
galiyey xadhigii la ii gaystay”
Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan
lagu xidhay macalinka ayaa noqotay tii loogu hadal haynta badnaa maalmihii ina
dhaafay, waxaana jira dacaayado iyo kaftamo la isku waydaarsanayey baraha
bulshadda oo ku saabsan xadhiga loo gaystay macalinka.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.