Malaysia oo ka qeybqaadaneysa gurmadka abaarta Soomaaliya
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) - Dowladda Malaysia ayaa ciidamo u diraysa
Soomaaliya,kuwaasoo ka qayb-qaadanaya howlgalka bani’aadamnimo ee ka socda
Soomaaliya kaddib abaar daba-dheeratay oo dalka ka taagan tan iyo sanadkii
2014.
Wasiirka gaadhandhigga Malaysia,Hishammuddin Tun Hussein ayaa u sheegay
saxaafadda in go’aanka ay ciidamada ku geynayaan Soomaaliya uu yimid, markii uu
kulan gaar ah la qaatay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya,Maxamed Cumar
Carte oo dhawaan booqasho ku soo gaaray Malaysia.
Wasiirka waxaa kaloo uu wariyayaasha u sheegay ciidamada ay geynayaan
Soomaaliya in ay ku sugan yihiin magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga,waxaana ay
joogayaan Soomaaliya inta uu socda gurmadka ay Malaysia garsiineyso bulshada
Soomaaliyeed ee abaarta ay saameysay.
“Ra’iisal wasaare ku-xigeenka waxaa uu wasaaradda daryeelka Malaysia ka
codsaday in ay Soomaaliya ka saacidaan cunto, daawo iyo dhakhaatiir.”ayuu yiri
wasiirka gaadhandhigga Malaysia
Intaa waxaa uu ku darray wasiir Hishammuddin in codsiga uga yimid Soomaaliya
ay fiiro gaar ah siiyeen ayna golaha wasiirrada Malaysia ansixiyeen
shalay oo Jimce ahayd.
Dowladda Malaysia gurmadka ay u garsiineyso Soomaaliya waxaa la socda 3
sarkaal iyo 17 ciidamada qalabka sida oo qaabilsan daawaynta.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay sii qaadi doonan xubnaha ay u dirayaan
Soomaaliya cunto iyo daawo, iyagoo isticmaali doona diyaaradda nooceedu
yahay Hercules C-130.
Ciidamada loo dirayo Soomaaliya ee haatan ku sugan Sucuudiga waa koox la
doortay waxayna ka howlgaleen hadda kahor dalka Yemen oo ay ka soo badbaadiyeen
shicib u dhashay dalka Malaysia oo Yemen ku sugnaa.
Sidoo kale,dowladda Malaysia waxay raadinaysaa sidii dowladaha carabta sida
Sucuudiga, Baxrayn, Qatar iyo waddamada Asiyaha dhaca ay u saacidi lahaayeen
Soomaaliya,sida u caddeeyay wasiirka gaashandhigga Malaysia.
Ugu danbeyntii, dowladda Malaysia toddobadyo ka hor ayay si cad u
sheegtay inay garab istageyso dadka Soomaaliyeed,iyagoo marka billaabay
dadaallo gurmadkii ugu horreeyay lugu garsiinayo Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]