9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 15, 2017
Imisa qof ayaa lagu dilay weerarkii maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats ?

 

Khamiis, June, 15, 2017 (HOL)- Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen halka 26 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii Al Shabaab ay weerareen maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa goordhaweyd soo gaba-gabeeyay weerarkii Al Shabaab, waxaana saraakiisha ay sheegeen in ay wada dileen dhamaan dagaalamayaashii weerarka soo qaaday.

Weerarkii xalay waxaa uu ku bilowday baabuur uu watay qof isa soo miidaamiyey, waxaana xigay dablay hubaysan oo gudaha u gashay Pizza House. 

https://www.hiiraan.com/images/2017/Jun/ 
Labada maqaayadood ee la weeraray ayaa ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, waxaana ay yihiin kuwo iska soo horjeeda.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Somaliya Axmed Maxamed Maxamuud Carab ayaa Warbaahinta u sheegay tirada dhimashada dadka in ay gaarayaan 18 ruux oo shacab ah oo mid ka mid ah uu yahay ruux Ajnabi ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in dadka la dilay ay ku jireen 7 gabdhood oo dhallinyaro ahaa, kuwaasi oo ku sugnaa maqaayadda weerarka ay ku qaadeen ururka Al -shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda amniga ayaa sheegay dhaawaca dadka shacabka ah soo gaaray in ay gaarayaan illaa 19 ruux, waxaa uu sheegay inaysan jirin cid dowladda ka tirsan oo halkaasi joogtay ama bartilaameedka uu ahaa, balse Al-Shabaab ay bartilmaamedsanayeen dadka rayidka ah.

Waa goobo noocee ah maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats?

Maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats, ayaa waxaa ay safka hore kaga jireen maqaayadaha ugu quruxda badan ee ku yaalla magaalladda Muqdishu, waxaana maalmaha Jimcaha iyo Khamiista loo aadi jiray dalxiis, damaashaad iyo sawiro in lagu soo gallo maadaama ay aad u qurxanaayeen.

Todobaad kasta dhamaadkiisa, waxaa u daawasha tagi jiray carruur badan iyo waalidiin.https://www.hiiraan.com/images/2017/Jun/ 

Weerarka lagu qaaday maqaayadaha ayaa imaanaya xili ciidanka xasilinta amniga caasimada, ay wadaan howlgallo is-daba joog ah oo lagu adkeynayo ammaanka magaalladda Muqdishu. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia