Maamulka cusub ee gobolka Hiiraan oo loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne
Isniin, June, 12, 2017 (HOL) - Mas’uuliyiinta cusub ee maamulka gobolka
Hiiraan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka Cumar Aadan Ibraahim ‘’Baadiyoow’’
ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya, AMISOM, waxgarad, qeybaha kala
duwan ee bulshada ayaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta cusub garoonka
diyaaradaha Ugaas Khaliif, iyaga oo intaa kaddib warbaahinta kula hadlay
xarunta maamulka gobolka.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cumar Baadiyoow oo hadal kooban jeediyay ayaa
ugu horeyn bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka ugu baaqay iyaga oo ka faa’ideysanaya
bisha Ramadaan in leys cafiyo, dhinaca kalana waxaa uu baaq u diray beelo ku
dagaallamaya deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
‘’Hadal badan ma rabo in aan halkan ka sheego, laakiin bulshada ku dhaqan
gobolka waxaan farayaa in ay is cafiyaan, lagana faa’ideysto bisha Ramadaan,
dhinaca kalana waxaan rabaa in aan ugu baaqo beellaha ku dagaalamaya
deegaannada Miyiga ah ee ka soo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galguduud in
dirirta la joojiyo, wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo wada hadal’’ ayuu
yiri guddoomiyaha maamulka gobolka.
Guddoomiyaha cusub ee degmada Beledweyne Aadan Axmed Xeefoow oo dhinaciisa
warbaahinta la hadlay ayaa ka dalbaday bulshada ku dhaqan degmada in ay la
shaqeeyaan maamulkiisa, isaga oo balanqaaday in mudada ay xilka hayaan sameyn
doonaan is badal weyn oo dhinacyo badan leh.
Mas’uuliyiinta maanta lagu soo dhaweeyay magaalada ayaa sidoo kale waxaa ka
mid ahaa qaar ka mid ah ku-xigeennada maamulka gobolka iyo duqa degmada
Beledweyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle.
Wareegto ka soo baxday maalin ka hor madaxweynaha maamul gobolleedka
Hirshabeelle ayaa lagu soo magacaabay maamul cusub oo uu yeelanayo gobolka
Hiiraan, iyadoo xilalka laga qaaday mas’uuliyiintii hore.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]