Waxqabadka wasaarrada shaqada iyo arimaha Bulshada DF Soomaaliya oo laga wada hadlay
Axad, June, 11, 2017 (HOL) Masuuliyiinta Wasaaradda
shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumada Somalia ayaa maanta isugu yimid
kulan lagu soo bandhigayey waxqabadka boqolka maalin ee Wasaarada kaasoo lagu
qabtay xarunta wasaaradaas ee magaalada Muqdisho.
Waxa ka qeyb galay kulankan masuuliyiinta sare ee
wasaaradda iyo agaasimayaasha qeybaha kala duwan ee Wasaaaraddaas, waxaana lagu
falanqeeyey waxyaabaha u qabsoomay wasaaarada boqolkii maalmood ee la soo
dhaafay iyo qorsheyaasha ay mustaqbalka higsaneyso.
Agaasimayaasha waaxyaha Wasaarada ayaa kulankaas ka saoo
jeediyey warbixino ku saabsan qorshe howleedka wasaaradda iyo waxyaabaha ka
qabsoomay, sababaha keenay waxyaabaha qabsmoomi waayey iyo sidii looga gudbi
lahaa caqabadaha jira.
Xubnaha ka hadlay kulankaas ayaa waxaa ka mid ahaa agaasimaha qorsheynta ee wasaarada Salaad Xusseen Cabdulle oo si qoto dheer uga
hadlay dhibaatooyin ka taagan baasaboorka Service-ka ee loogu talo galay
ahaqaalaha dowlada iyo sidii loo xalin lahaa.
Waxaa sidoo kale kulankaas ka hadlay agaasimaha waaxda
shaqaalaha gaarka ah iyo ajnabiga C/risaaq Macalin Cilmi oo isna sheegay iney
wadaan qorshe ku saabsan sidii dadka Soomaalida ah ee qaban kara loogu wareejin
lahaa shaqooyinka ay hayaan dadka ajnabiga ah ee dalka ka howlgala maadaama buu
yiri ay dadkeenu badankood shaqo la’aan heysato.
Sharciga maamulka shaqaalaha rayidka ah ee dowlada ayaa
sidoo kale kulankaas laga sheegay in diyaarintiisu oo muddo soo socoaty ay heer
gebogebo ah mareyso, dedaal badana ay wasaaradu ku bixisay sidii loo
dhameystiri lahaa.
Xubnaha kale ee kulankaas warbixinada ka jeediyey waxaa
ka mid ahaa la taliyaha wasaaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Prof, Yuusuf
Salaad Warsame, Agaasinka tababarada ee wasaarada Ismaaciil Macalin C/llaahi
iyo xubno kale.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha
bulshada Maxamed cadde Mukhtaar ayaa isna kulankaas ka sheegay in qorsheyaasha
wasaarada ee boqolkii maalmood ee la saoo dhaafay la qabtay %80 inta yar ee ka
hartayna gacanta lagu hayo arintaasoo uu ku tilmaamay guul u soo hoyatay
Wasaarada.
Ku-simaha wasiirka ahna wasiir ku-xigeenka wasaarada shaqada iyo arrimaha
bulshada C/casiis Saalax Carmaan oo gebagabadii kulankaas khudbad kooban
jeediyey ayaa sheegay ku bogaadiyey shaqaalaha iyo agaasimayaasha waaxyaha
wasaaradda howlaha baaxada leh ee ay qabteen boqolkii maalmood ee la soo
dhaafay.
“Maadaama ay tahay dowladan mid ku timid isbedel waa in
wasaaaradana ay la timaado isbedel, waxaa nalaga rabaa inaan ka shaqeyno
waxyaabo ay ugu horeyso sidii aan dhalinyarada Soomaaliyeed aan ugu abuuri
laheyn shaqooyin si looga badbaadiyo iney badaha ku dhamaadaan iyo in loo
isticmaalo xagjirnimo, waxaana inoo qorsheysan inaan sanadka soo socda shaqo u
abuurno shaqaale gaaraya 35,940 qof oo isugu jira hablo iyo wiilal, anagoo la
kaashaneyna heyadaha caalamiga, sidoo kale waxaan wadnaa qorsheyaal ku saabsan
sidii dadka naafada ah aan uga taageeri laheyn helida shaqooyinka maadaama ay
qeyb ka yihiin bulshada” ayuu yiri wasiirka.
Ku-xigeenka wasiirka wasaarada shaqada iyo
arrimaha bulshada ayaa ku bogaadiyey Shaqaalaha wasaaradda waxqabadka muuqda ee
ay la yimaadeen, isagoo kula dardaarmay iney dar-dar geliyaan siina xoojiyaan
howlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.