8/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 6 , 2017
Maraykanka : "Awood baan u adeegsan doonaa" arrinta Kuuriyada Waqooyi

 

Khamiis, July, 06, 2017 (HOL) – Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey Nikki Haley ayaa shirka deg degga ah ee gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ka sheegtay in tijaabadaasi Woqooyiga Kuuriya ay tijaabisay hubka riddada dheer ee isaga kala goosha qaaradaha ay ka dhigan tahay daandaansi militari.

Nikki Haley waxa ay sheegtay in arrintaasi ay muujineyso in dunidu ay qarka u saaran tahay colaad, waxayna intaasi ku dartay in qaraar cusub oo ka dhan ah xukuumadda Pyongyang la soo hordhigi doono Qaramada Midoobey.

Haley ayaa ku hanjabtay in Mareykanka uu xayiraado dhanka ganacsiga ah saari doono waddamada ganacsiga la leh Kuuriyada Woqooyi.

Waxay sheegtay in haatan loo baahan yahay in dalkaasi laga qaado tallaabooyin dheeraad ah maadaama ay miro dhal noqon waayeen xayiraadihii caalamiga ahaa ee muddo saarnaa Kuuriyada Woqooyi.

Dhinaca kale, dhiggeeda Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dalkiisu uu tallaabada Kuuriyada Woqooyi u arko mid aan loo dul qaadan karin basle waxa uu ku baaqay in xiisadda la dejiyo oo la wada hadlo.

Waxaa uu ku celiyay baaqa horey ay wada jir u soo jeediyeen waddamada Shiinaha iyo Ruushka oo ahaa in Mareykanku uu ka laabto qorshahiisa uu ku doonayo in hannaanka difaaca gantaalada uu ku rakibo dalka Kuuriyada Koonfureed isla markaana uu hakiyo dhoolatuska milatari ee uu ka sameynayo meel u dhow Kuuriyada Woqooyi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]