Jimco, July, 21,2017 (HOL) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo
baxaya afduubka saddex dumar ah oo ka
tirsanaa hay’ad maxali ah oo ka shaqeysa arimaha miino baaridda oo Aroornimadii
hore ee saakay Al-shabaab ka qafaasheen deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan.
Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab
ayaa waabarigii hore ee Jimcihii maanta waxaa ay weerar ku qaadeen deegaankaFar-libaax
oo qiyaastii 45 km dhinaca waqooyi galbeed ka xiga magaalada Baledweyne.
Iska
hor-imaad kooban oo goobta ka dhacay, ayaa waxaa lagu dilay nin ilaalada
shaqaalaha hay’adda ah iyo qof shacab ah, ilaa seddex qof oo kalana waa lagu
dhaawacay.
Kooxda weerartay deegaanka
Far-libaax waxaa ay hore u kaxeysteen laba gaari oo mid ka mid ah ay lahayd
hay’ada gabdhaha laga qafaashay, mid kalena uu lahaa NGO ka shaqeeya arrimaha
caafimaadka deegaanka.
Laakiin
Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegay in ay weerartay saldhig ay ciidamada Liyuu
Boolis ku lahayeen deegaanka Far-Libaax.
Ilaa iyo hadda wax war ah ka soo
bixin maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira afduubka shaqaalaha samafalka ee
ka dhacay Farlibaax.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]