Jimco, July, 21. 2017 (HOL) - Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan iyaga oo dil iyo afduub u geystay shaqaale ka tirsanaa hay’ad samafal.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ilaa saddex dumar ah u shaqeynayay hay’ad maxali ah oo ka shaqeysa arimaha miino baaritan ay horay u sii kaxeysteen dagaalamayaasha weerarka soo qaaday, halka qof kalana ay toogasho ku dileen.
Lama oga halka ay la tageen Al-shabaab shaqaalaha ay ka afduubteen deegaanka Farlibaax
Horay sidan oo kale Al-shabaab ayaa lacag madax furasho ah ka qaatay shaqaale ka tirsanaa hay’adda SAVE The Childaren oo ay ku afduubteen gudaha gobolka Hiiraan.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Hiiraan iyo hay’adda amniga oo la xiriira afduubka shaqaalaha samafalka.
Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]