4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 21, 2017
Aqriso magacyada 10-ka Arday ee kaalmaha ugu horeeyay ka gashay Imtixaanka shahaadiga ee Wasaaradda Waxbarashada

 
Jimco, July, 21, 2017 (HOL) - Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa gelinkii dambe ee shalay shaacisay Natiijada Imtaxaanadkii shahaadiga ee Dowladda.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in sanadkan ay imtixaanka ku baastay ku dhawaad 16,000 oo arday.

“Tirida imitixaanka ku baastay sanadkan waa 15, 356 arday, 5,094 ay gabdho yihiin halka 10,262 ay wiilal yihiin” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiir ku-xigeenka  Wasaaradda Waxbarashada  Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in uu qorshaha imtixaanka ee sanadka uu ahaa inay u  fariistaan  ilaa iyo 23,000 (saddex iyo labaatan kun) oo ardey  laakiin waxaa  imtaxaanka ka qeybgalay  oo u suurta gashay , 18,239 (sideed iyo toban kun, labo boqol, sodon iyo sagaal) ardey.

“23,000 waxa ay ahayd intii is diiwaangelisay, balse waxaa sanadkan imtixaanka u fadhiistay 18,239 arday, inta kale waa ay u suurta geli weysay inay imtixaanka galaan” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Soomaaliya.

Tabanka ardey  ee  kaalimaha hore ka galay Imtaaxnka shahaadiga ee sanadkan ayaa waxaa Dowladda Soamaaliya siisay deeqo waxbarasho oo dalka dibadiis ah  sida uu sheegay Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuled (Khader).

“Tobanka arday ee ugu sareysay waxa ay dowladda siineysaa deeqo waxbarasho oo dibadda ah, oo weliba cuntada, tikidkiisa iyo noloshiisa dowladda ayaa qabta Insha Allah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya. 

Aqristayaasheena Sharafta leh waxaan u ballanqaadeynaa in aan dhawaan usoo bandhigi doono Wareysi aan la yeelanay Wasiirka Waxbarshadda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia