4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 20, 2017
Dalalka go’doomiyay Qatar oo u muuqda kuwo mowqifkoodii hore ka soo dabcay

 

Khamiis, July, 20, 2017 (HOL) – Dowladdaha Carbeed ee go’doominta saaray dalka Qatar ayaa hadda u muuqda kuwo ka soo dabcay mowqifkoodii hore, iyaga oo wax ka badal ku sameynaya sharuudihii ay horay u soo bandhigeen.

Diblomaasiyiin ka kala tirsan dowladdaha Imaraadka, Baxrayn iyo Masar ayaa warfidiyeenka ugu sheegay xarunta Qaramada Midoobay in ay haatan doonayaan in Qatar fuliso lix qodob oo mugweyn.

Qodobadan ay sheegeen waxa ka mid ah la dagaalanka argagixisada iyo xag jirka iyo in ay joojiso talaabooyinka carinta iyo kicinta ah.

Qatar oo beenisa in ay argagixisada taageerto ayaan iyadu markiiba ka jawaabin hadalkan diblomaasiyiintu sheegeen.

Waxay sidoo kale ganafka ku dhufatay qodobadii ay u soo jeediyeen dalalkaasi oo ay ku sheegtay in ay halis ku yihiin qarannimadeeda ama ay xad gudub ku yihiin xeerka caalamiga ah, waxaanay sidoo kale dhaleecaysay "go'doonka" ay geliyeen dalalka la olloga ahi.

Warbixintooda ayeey ku sheegeen diblumaasiyiintan in ay doonayaan in xiisadda lagu dhameeyo si hoose.

Danjiraha Sucuudiga u fadhiya QM, Cabdullah Al-Mucallimi, ayaa sheegay in wasiirada arimaha dibadda ee dalalkoodu lixdan qodob ee cusub isku raaceen markii ay ku shireen Qaahira 5 July "waana kuwo u fudud Qatar oo ay aqbali karto" ayuu yidhi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]