4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 18, 2017
Uhuru Kenyatta oo sheegay in Al Shabaab la dilo kadibna la aaso

 
Talaado, July, 18, 2017 (HOL) –County-gga Lamu ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ku soo badanayay bilihii lasoo dhaafay weerarada ay geysanayaan xarakadda Al Shabaab.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Isniintii shalay booqday Gobolka Lamu, waxaana uu ka bilaabay Ololaha uu ku doonayo in dib loogu doorto madaxtinimada dalkaasi.

Mr Uhuru, ayaa intii uu ku sugnaa Lamu waxaa uu soo hadal qaaday dagaalka ay kula jiraan xarakadda Al Shabaab, waxaana uu u sheegay ciidanka KDF-ta Kenya in ay dilaan dabadeedna la aaso Al Shabaab haddii lagu arko degaannada Lamu.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa iclaamiyey hawl-gal ballaaran oo dhanka amniga ah kaasi oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa  sheegay in lagu guuleystay badbaadinta haweeney ay afduubteen Al Shabaab dhawaan.

Ciidanka dawladda Kenya ayaa soo badbaadiyey Ms. Marriam inkastoo kooxihii afduubtay ay ka qaateen gaarigii ay wadatay.

Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya, kan Xeebta, waxaana dhacdooyinkii uga xumaa ee uga dambeeyey ay ka dhaceen deegaanka Lamu.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somali