4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 18, 2017
Wasiirka Amniga: Sirdoonka Soomaaliya waxaa lagu sameyn doonaa is-bedel

 
Talaado, July, 18, 2017 (HOL) –Wasiirka amniga xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale (Islow) ayaa sheegay in isbedel lagu sameyn doono ciidamada Nabad Suggida Somaliya.

“Waxaan sameyn doonaa ciidan gaar ah oo ilaaliya ammaanka xarumaha dowladda iyo madaxda dowladda, NISA waxaan ku soo reebi doonaa Mustaqbalka dhaw dhar cad inay noqdaan sida ay ahaan jireen, magaalladda laguma arki doono NISA calaamad ku buufsan.” Ayuu yiri Wasiirka amniga.

Maxamed Abuukar Ducaale (Islow) ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada NISA ay u shaqeyn doonaan sidii waagii hore lagu yaqaanay ee dharkacad ah.

Ciidanka Sirdoonka Qaran ee Soomaaliya, ayaa hadda waxaa lagu arkaa magalladda Muqdishu, waxaana saraakiishii hore ee Sirdoonka ay u jeediyeen dowladda in ay wax ka bedesho qorshaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan magacaabay guddi maamula sanduuqa taakulaynta ciidamada.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda daahfurka sanduuqa taakulaynta ciidamada ayaa yiri “Maanta waa maalin baal dahab ah ka galaysa taariikhda ummadda Soomaaliyeed maxaa yeelay waxay tilmaamaysaa wada jirka Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidanka, wada jirka Dowladda iyo Shacabka,”

“Difaaca dalka ma ahan masuuliyad u gaar ah Ciidamada oo kaliya. Waa masuuliyadda u taala qof kasta oo Soomaali ah, haddii aad doonaysaan in aad ku noolaataan dal sharaf leh.”

Madaxwaynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed u diray baaq ku aaddan taakulaynta iyo taageerada Ciidamada qaranka si ay dib ugu soo laabato sharafta muwaadinka Soomaaliyeed.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somali