4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 17, 2017
Somaali booliis ka ah Minneapolis MN oo la sheegayo in uu Toogasho ku dilay Haweenay.

Isniin, July, 17, 2017 (HOL) –Waxaa habeenimadii sabtida ahayd ayaa wiil Soomaali American ah kana tirsan ciidamadda Booliiska Minneapoils shaqana ku jiray markaa uu toogtay  qof haween ah.

Askari gaan oo lagu magacaabay  Maxamed Nuur sida aan ka soo xiganay jaraa’idka Startribune  ayaa ka mid kamid ah wiilasha Soomaalida ah ee iyagu ku jira ciidanka booliiska magaalada Minneapolis.

Wararku waxay sheegayaan in uu toogtay qof haweeney ah  ah ee toogashadda booliisku ku dileen ayaa la sheegay in ay tahay Justine Damond, jirtana 40 sanno. Justine Damond ayaa iyadu u dhalatay dalka Australia, waxaana magaalada Minneapolis waxaana magaaladda Minneapolis ee gobolka Minneapolis ku nool nin ay is guursan lahaayeen waa sababta ay halkaan u joogtaye.

Haddaba ma lama cadeen sababata keentay Maxamed Nuur toogto ama dillo Justine Damond.


Waraaq ay soo saartay taliyaha booliiska Minneapolis Chief Harteau oo soo gaartay xafiiska HOL ee Minneapolis ayaa sheegtay in arinta la baarayo,waxii war ah ee soo kardhana waan idinla soo socod siin doonaa.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Minneaplis,MN