4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 17, 2017
AMISOM oo ciidamo dhigeysa jidadka isku xira magaalooyinka ay maamusho dowladda

 

Isniin, July, 17, 2017 (HOL) – Taliyaha ciidamada howlgalka midowgga Africa AMISOM Jen Cismaan Subagle ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in ay sifeeyaan Al-shabaab jidadka isku xira magaalooyinka ay maamusho dowladda.

Gaar ahaan taliyaha ayaa ku dhawaaqay in uu bilaabanayo howlgal lagu furayo waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaho.

‘’waad ogtihii magaalooyinkii waa laga xoreeyay Al-shabaab, laakiin waxaa ay ku nool yihiin oo ay ku joogaan in dariiqyadaa dhigaan miinooyin is qarxis, taasna hadda ayaa loo soo jeestay, waxaan rabaa in aan ka nidiifino dariiqyada si dadka meecmushtariga ah u kala socdaan’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada AMISOM.

Al-shabaab ayaa weerraro ka geysta jidadka isku xira magaalooyinka ay dowladda maamusho, waxaana ay inta badan ku beegsadaan saraakiisha dowladda iyo gadiidka AMISOM ee isticmaala jidadkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]