Isniin, July, 17, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw dib hawada ugu soo laabtay adeegii
Internet-ka Fibre Optic oo muddo ku
dhawaad bil ka maqnaa gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Internet-ka ay bixiyaan shirkadaha Isgaarsiinta sida Somtel, Hormuud iyo
Global ayaa goor dhow dib ugu shaqeeyay dad badan oo uu ka maqnaa tan iyo
24-kii bishii hore.
Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkaddaha Isgaarsiinta ayaa xaqiijiyay in uu dib u soo laabtay Internet-ka 4G iyo Internet-ka kale ee
guryaha la geliyo ee Fiilada ah.
Baraha bulshada ayaa dad badan waxay soo dhigeen Hambalyo ku aadan in
Internet-kii uu dib u soo laabtay.
Markab ku howlanaa cilad bixinta iyo sameynta xargihii Fibre Optic ee go’ay
ayaa la sheegay in uu xalay soo afjaray saddex maalmood oo uu ku howlanaa.
Habeenkii ay taariikhda ku beegneyd 24 June ayaa Internet-ka ka go’ay
Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kaddib markii Markab ku soo
xiranayay Dekeda la sheegay inuu jaray Xargihii Fibre Optic.
Semeynta ugu weyn maqnaashaha Internet-ka Fiber Optic waxaa laga darameey, guud ahaan hay'addaha, dowladda shirkaddaha gaarka loo leeyahay, kuwa Xawaalladaha iyo Warbaahinta oo si gaar ah arintan ay u saameysay.
Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay goor
dhow war ka soo saarto Internet-ka hawada dib ugu soo laabtay.e
Maqnaashaha Internetka ayaa la sheegay in laga dhaxlay khasaare dhan $ 10 million oo dollar maalintii, taasoo ka dhigay in mudadii uu hawada ka maqnaa la khasaaray lacag ku dhaw dhaw $ 200 oo million.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]