Al-shabaab oo sheegatay in Lamu ay ku dileen saraakiil iyo mas’uuliyiin Kenyaan ah
Sabti, July, 15, 2017 (HOL) – Xarrakada
Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada
weerar Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay Gobolka xeebta ah ee Lamu, halkaasoo
maalmihii la soo dhaafay ay weeraro xiriir ah ka geysanayeen.
War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar ay ku qaadeen
kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenyan ah oo marayay inta u dhaxeysa Lamu iyo
deegaanka Mpeketoni.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku gubeen hal gaari, ayna dileen
askartii saarneyd, sidoo kalena ay la wareegeen labo gaari oo kale
Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen illaa
shan askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay afduubteen haweeney mas’uul aheyd,
iyadoo ciidamada Kenya ay howl gal ka bilaabeen Keymaha Boni oo la sheego in
Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayaan.
Al-Shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay weeraro ka geysanayay Gobolka
Xeebta ee Kenya, sida Lamu iyo deegaanada kale.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]