4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2017
Kooxda Midnimo ee Minnesota oo u soo baxaday cayaarta finalka ee koobka Somali Week

 Sabti, July, 15, 2017 (HOL) - Kooxda kubadda cagta ee Midnimo FC oo ka dhisay gobolka Minnesota ayaa u soo baxaday cayaarta finalka ka dib markii at hal (1) gool kaga guuleystay kooxda Banaadir FC ee magaalada Toronto. Cayaartaas ayaa ahayd mid aad u xiisa badneyd oo dadweyne aad u farabadan at ka soo qayb-galeen.

Waxaa maanta magaalada Toronto ku wada cayaaridoona kooxaha kala ah Hilaac oo ka dhisan magaalada Toronto iyo North London ee ka dhisan magaalada London. Kooxdii ku guuleysata ayaa u soo bixidoonta cayaarta kama dambeysta ah ee FINALka oo la qaban-doono maalinta Axadda ee bishan July 16keeda.

Sidoo kale waxaa magaalada Toronto ka socda cayaarta kubadda cagta ee cayaartooydii cuslaatay oo ka kala yimid magaalooyinka Ottawa, Toronto, Washington iyo Boston. Kooxda Ottawa ayaa 6 gool kaga guuleysatay kooxdii ka socotay magaalada Boston.